Rooble oo War ka soo saaray dabkii xalay qabsaday nawaaxiga Isgoyska Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu murugada iyo xanuunka la qeybsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu hantidoodii burbur dabkii ka kacay isgoyska Banaadir iyo nawaaxigiisa, wuxuuna Alle uga baryay baddel khayr leh.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee uu hantidoodii burburiyay dabkii caawa ka kacay isgoyska Banaadir. Waxaan Alle uga baryayaa baddel khayr leh” ayuu yiri Rooble oo qoraal soo dhigay baraha bulshada

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagay tiiraanyada iyo walaaciisa ku aaddan qasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahad-celliyay ciidanka dab-damiska iyo kooxda gurmadka deg-degga ah kuwaasoo la tacaalaya dabka ka kacay suuqa Banaadir, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dadka walaalahood ah ee ku hanti beelay dablaan la garab istaago.

- Advertisement -